Dayuurad siday ciidanka ka qeyb qaadanaya xoreynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta ka degtay garoonka dayuuradaha Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamadan oo laga diray Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah abaabul DF ay ku dooneyso in Al-shabaab looga saaro degmada xeebta ku taalla ee Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug.
Sida wararku sheegayaan ciidamadan oo u badan beesha Saruur ee ka tirsan Habar Gidir ayaa lagu wadaa in qeybo kale  laga dejiyo magaalada Gaalkacyo.
Gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah ayaa ciidamadan loogu diyaariyey magaalada Gaalkacyo, waxaana la qorsheynayaa in marka abaabulkoodu dhamaado ay duulaan ku qaadaan degmada Xarardheere oo ah fariisinka ugu weyn Al-shabaab ee gobolka Mudug.
Al-shabaab oo bilihii u dambeeyey wajaheysay dagaaalo culus ayaa haatan waxaa gacantooda kaa baxay inta degaanadii ay maamuli jireen ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee bartamaha Somalia.
Boqolaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaaladan u dambeeyey ee dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay markii xoogag ka tirsan beelaha iyo ciidamada dowlada oo iskaashanaya ay bilaabeen iney Al-shabaab ka saaraan gobolada dhexe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com