Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mss. Anna Tvinnereim & Wafdi ay horkaceyso oo booqasho ku timid Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Norway Mss. Anna Beathe Tvinnereim oo booqasho ku joogta Muqdisho.

“Waxaan maanta qaabilay wafdi ay hogaaminayso Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dalka Norway Mss. Anna Beathe Tvinnereim oo booqasho labo maalmood ah ku timid dalkeenna” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray”

“Waxaan ka wada hadalnay sidii aan u xoojin lahayn  xiriirka labada dal, anigoo uga mahadceliyay dowladda Norway martigelinta kumanaan  Muwaadiniin  Soomaali ah  oo hadda bulshada dalkaasi qayb muhiim ah ka noqday, Waxaa kale oo aan uga mahadceliyay mashaariicda horumarinta iyo taageerada kale ee dowladda Norway ay dalkeenna la garab taagan tahay”

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Norway ay leeyihiin cilaaqaad Diblomaasiyadeed oo saameeya dhinacyada amniga, horumarka iyo iskaashiga arrimaha hortabinta u leh labadeenna dal ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hub iyo maandooriye kala duwan oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagay Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Prof. Dufle: Cagaarshowgu waa cudur dillaa ah, haddii aan laga digtoonaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---