Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada dowlada Somalia oo galay degmada Aadan Yabaal iyo Wararkii ugu dambeeyey

Sida uu sheegay Col. Sanay Cabdulle oo ka tirsan Saraakiisha XDS, ciidanka DF ayaa galabta gudaha u galay dagmada faca wayn ee Aadan Yabaal oo muddo ka badan 10 sano ay gacaanta ku hayeen kooxda Al-Shabaab.

Col. Sanay Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada dowlada aysan wax iska caabin ah la kulmin ka dib markii A-Shabaab ay saacado ka hor ka baxeen degmadaas.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa hadda si taxadar leh u galay xaafado ka tirsan degmada Aadan Yabaal, saacado ka dibna gacanta ayaan ku wada dhigi doonaa” ayuuu yiri Col. Sanay Cabdulle.

Waxaa uu sheegay inta badan dadkii ki noolaa degmadaas ay ka barakaceen, iyagoo ka baqaya in lagu dagaalamo, wuxuuna xusay in ciidamadu ay ka feejigan yihiin qaraxyo iyo weeraro rogaal celis ah oo laguso qaado.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada iyo kuwa degaanka ay labo jiho ka galeen degmada Aadan yabaal ayna haatan wadaan howlgalo miino baaris ah, waxayna degmada aheyd midii ugu dambeysay ee Al-shabaab ay ka joogeen gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin maanta isku diiwaangelinaya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Go’aan laga soo saaray cida la wareegeysa hogaaminta dalka Burundi

Cabdi Cade

Ma dhab baa in Guddoomiye Mursal oo ka soo horjeedo kala dirista guddiga Maaliyadda?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---