Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalalka G-7 oo qiimo cusub u gooyey Gaaska dalka Ruushka & Moscow oo diiday

Dalalka G-7, Australia iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay inaan lagu iibsan gaaska Ruushka wax ka badan lixdan doollar foostadii.

Waxay tallaabadan qayb ka tahay qorsheyaal ay wadamadaasi ku doonayaan in ay ku yareeyaan dhaqaalaha Ruushku ku bixinayo dagaalka Ukraine.

Ruushka ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aankaas isagoo sheegay inuusan aqbali doonin qiimaha loo xadiday in  saliidda looga iibsado.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Moscow ay diyaar garow ugu jirtay ku dhawaaqista sicirka qiimaha ee ay soo saareen kooxda todobada wadan, Midowga Yurub iyo Australia, wakaalada wararka ee Russia TASS ayaa sheegtay.

“Ma aqbali doono go’aankan,” ayuu yiri, Waxaana uu intaa ku daray in Ruushku uu si degdeg ah u falanqeyn doono heshiiska oo uu ka jawaabi doono.

Safaaradda Ruushka ee Mareykanka ayaa dhaleeceysay waxa ay ugu yeertay “khatarta” tillaabada reer galbeedka, waxayna sheegtay in Moscow ay sii wadi doonto inay hesho dad iibsada saliideeda.

“Tallaabooyinkan oo kale waxay si lama huraan ah u dhalin doonaan hubin la’aanta sii kordheysa iyo in kharashyo badan lagu soo rogo macaamiisha Saliida ceyriin,” ayay tiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Safiirka Imaaraadka (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo) Masuul ka badbaaday isku day dil & Farmaajo oo amar siiyey Maamulka Gedo

Caydiid Ali

Somaliland oo Heshiis cusub oo bulshada wax u taraya ku saxiixday Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---