Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Al-shabaab kala wareegay degaano cusub oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, iyagoo kaabiga u saaran iney gacanta dowlada ku soo celiyaan degmada aadan Yabaal ee isla gobolkaas
Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhigga General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ay maanta Al-shabaab kala wareegeen magaalooyinka Guulane, Xarka dheere iyo Daaru salaam oo dhammaan ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe
General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in hadda ciidanku ku sii siqayo degmadii ugu dambeysay gobolka Shabeellada dhexe oo gacanta Al-shabaab ku hartay oo ah Aadan Yabaal.
Waxaa uu sheegay in ciidamada DF iyo kuwa degaanka ay haatan qarka u saaran yihiin iney la wareegaan degmada Aadan Yabaal, ayna saacadaha soo socda halkaas si buuxda ula wareegi doonaan.
Waxaa uu intaas ku daray in degaanadii laga saaray Al-shabaab ee ka tirsan Sh/dhexe la sugay amaankooda, aysana suuragal u aheyn iney ku laabtaan, isagoo xusay haatan la qorsheynayo in la gaarsiiyo adeegyada dowladeed ee aasaasiga ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com