Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo tababar ciidan furay, kulan xasaasi ahna la qaatay Saraakiisha amniga (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u furay  Urur  ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland oo lagu tababarayo Kulliyada tababarada Ciidanka Asluubta ee Gen. Cali Nuur.

Deni ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay ka faa’ideystaan casharada, tababarka iyo xirfada aqooneed ee la siinayo.

Waxaa uu muujiyey in dowladdu ay muhiimad gaar ah siisay dhismaha iyo dib u habeynta Ciidanka noocyadiisa kala duwan ayna sii wadi doonto arrintaas, iyadoo laga duulayo sugida amniga iyo xasiloonida Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Taliska Ciidanka Asluubta kulan Kula qaatay Laamaha Cadaaladda ee Dowladda Puntland oo uu kala hadlay Arrimaha Garsoorka, Xabsiyada  iyo dardargelinta shaqo ee laamaha cadaaladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  Mudane Xasan Yuusuf Nuur, Wasaaradda Cadaaladda, Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka sida, Taliska Ciidanka Asluubta, Taliska Ciidanka La dagaalanka Argagixisada, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo golihiisa Wasiirada ku soo daray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka….

Cabdi Cade

(Sawirro) Geelle oo ku laabtay Jabuuti ka dib Warar laga baahiyey xaaladiisa Caafimaad

Caydiid Ali

Falal argagax leh oo la sheegay in ay mararka qaar ka dhacaan Degmo kutaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---