Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoonka golaha shacabka u gudbiyay mooshin ka dhan ah ciidamada amniga oo ku xadgudba xasaanada xildhibaanada.
Kulanka xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta diirada lagu saaray ka hadalka xaalada ammaanka ee dalka iyo xadgudubyada mararka qaar xildhibaanada kala kulmaan ciidamada amniga ee ilaaliya xarumaha muhiimka ah.
Qaar kamid ah xildhibaanada kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ilaaliya goobaha muhiimka ah sida madaxtooyada kala kulmaan dhibaato , waxa ayna xuseen in ay ku xujeeyaan kaararkooda in ay tusaan sidoo kale wadooyinka mararka qaar ka celiyaan.
Waxa ay sheegeen xildhibaanada qaar in ciidamada ku xujeeyaan iyaga oo tusay kaararkooda aqoonsiga in ay haddana wacdaan saraakiil ciidan oo damaanad ka noqda si ay wadooyinka u maraan.
Xildhibaanada kulanka ka hadlay qaar kamid ah ayaa sheegay in xaalada ammaanka ee dalka hadda marayo meel aad u xun, waxa ayna ugu baaqeen madaxda dowladda in lagula xisaabtamo laamaha amniga dayaca amniga ay sameeyeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com