Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa warbixin guud ka dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka qaraxyadii Soobbe 2 ee magaalada Muqdisho.
Xubnaha Guddiga Qaran iyo guddi hoosaadka ay sameeyeen oo ay ku jiraan culimada, ganacsatada iyo ururada bulshada ayaa ka warbixiyay waxqabadkii iyo abaabulkii ay sameeyeen.
Guddigan ayaana ka shaqeenaayay sidii loi caawin lahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay isgooska Soobe iyo sidoo kale dadkii ehelkooda ku dhinteen qaraxyada.
Qaraxyadii ka dhacay isgooska Soobe bishii October ee sannadkan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badnaa 100 qof halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo ka badan saddex boqol oo qof .