Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo amar cusub ku soo rogtay Masaajida & kaniisadaha Magaalada Nairobi

Barasaabka ismaamulka magaalada Nairobi Johnson Sakaja ayaa Kaniisadaha iyo masaajidda ku yaalla caasimadda ku booriyey inay ka fakaraan yareynta codka xoogan ee kasoo baxaya goobahooda.

Johnson Sakaja ayaa Bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu wada hadal la yeelan doono hoggaamiyeyaasha diinta, si loo xakameeyo heerka codadka

Magaaladu ayaa waxay dhawaan mamnuucday goobaha lagu caweeyo ee sawaxanka xoogga leh ay kasoo baxayaan, gaar ahaan kuwa ku yaalla goobaha deegaanka ah, ka dib cabasho ka timid dadka deegaanka.

Dad badan ayaa dalbaday in sidan oo kale loo mamnuuco codadka dhaadheer ee kasoo baxaya goobaha cibaadada.

“Xitaa goobaha lagu caweeyo, kuma aanan bilaabin in aan xirno. Waanu la hadalnay waqti ka dib, way ogolaadeen inay u hoggaansamaan, laakiin qaar ayaa iska dhego tiray. Kadibna tallaabo ayaan qaadnay.” ayuu yiri

Waxaa uu sheegay inuusan xiri doonin goobaha cibaadada, balse taa badalkeeda uu bilaabayo wada xaajood uu la yeelanayo hoggaamiyayaasha cibaadada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Boqor Albert Félix Marie (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

(Akhriso) Somaliland oo amaro culus ku soo rogtay Telefishinada Madaxa banaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---