Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Sacdiyo oo culimada qaarkood u sharaxday hadalkedii muranka dhaliyey (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kulan la qaadatay qaar ka mid Culima’udiinka Soomaaliyeed xili hadal heyn iyo caro badan uu dhaliyey hadal ay dhowaan jeedisay oo la xiriiray sharciga jinsiga.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Culimada uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedii, iyadoo Culimadda uga jawaabtay Khudabadii ay ka jeedisay  daah-furka ololihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka & Carruurta.

Waxay xustay in hadaladii baraha Bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aaney  aheyn kuwo hal meel u wada socda, iyadoo xustay in hadalkeeda si xun loo turjumay

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Bulshada Soomaaliyeed u sheegtay inaan la ilaaliyo Shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacadiyada loo geeysto Haweenka iyo Carruurta yaryarka ah, waxaana ay markale adkeeysay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo ilaalinta diinteena Suuban.

Gudoomiye Sacdiyo ayaa dhowaan sheegtay iney baarlamanka ansixineyso sharciga jinsiga oo ay ku jiraan qodobo sio cad u khilaafsan diinta islaamka, iyadoo culumada sharcigaas diidana ku eedeysay iney diidan yihiin ilaalinta xuquuqda haweenka, waxaana hadalkeeda ka dhashay caro iyo falcelin balaaran oo kaga timid bulshada.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadlay arrin dhibaato ku qabaan dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Wasiir Jibriil C/rashiid oo raali gelin bixiyey ka dib cadaadis kaga yimid Ra’isul Wasaaraha

Caydiid Ali

Sacuudiga oo ku faanay in ay bur buriyeen Awoodii Iran ee Wadamada Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---