Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal Khasaare geystay oo saaka ciidanka DF & Al-shabaab ku dhexmaray degaanka..

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay degaanka Daynuunay ee ku dhow magaalada Baydhabo oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday ka dib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray

Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ka dhaawacmeen saddex askari, iyadoo Al-shabaab oo iyana la rumaysan yahay inuu jiro khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Goobjoogayaal Daynuunay ku sugan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Dowladda ay ka baxeen xerada, waxaana gacan ku haynta goobta la wareegtay  Al-Shabaab inkastoo saacado ka dib ay isaga baxeen.

Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Daynuunay, halkaasoo ay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaalo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Carabta oo ka hor yimid dalab ka yimid Trump

Caydiid Ali

RW Rooble oo ka hadlay doorashadii Banaadiriga ee ka dhacday Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir Beyle oo shaaca ka qaaday 50-Milyan oo Sacuudiga ugu deeqay Somalia lagu shubay Bangi kuyaala…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---