Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wararkii u dambeeyey Koobka Adduunka oo maraya meel aad u xiise badan (Sawirro)

Koobka Adduunka ayaa maraya meel xiiso leh, waxaana shalay ka haray xulka Germany oo afar jeer ku guulestay koobkan, iyada oo maantana la ciyaari doono kulamo kale oo adag.

Xulka Cameroon ayaa ciyaar ka tirsan qeybta G kaga hortagaya Brazil, halka Serbia ay foodda dari doonto Switzerland.

Qeybta H, xulka Ghana ayaa isku diyaarinaya inuu ka aarsado waddanka Uruguay, halka South Korea ay la ciyaari doonto Portugal.

Xulalka Brazil iyo Portugal ayaa hore ugu soo baxay wareega 16-ka, sidaa darteed waxa diiradda lagu saarayaa maanta oo ah maalinta ugu dambeysa ee Group-yada koobka adduunka lixda xul ee kale ee isku dayaya inay ka fogaadaan inay soo haraan.

Serbia, Switzerland, Cameroon, South Korea, Ghana iyo Uruguay ayaa dhamaantood fursad u haysta Jimcahan inay u soo baxaan wareega 16ka.

Xiddiga Brazil ee Neymar ayaan ciyaari doonin kulanka ay la ciyaarayaan Cameroon, kadib markii dhaawac ka soo gaaray canqowga midig kulankii koowaad ee Brazil, waxana ay dhaqaatiirtiisu qorshaeynayaan inay dib u qiimeeyaan xaaladiisa kulanka kadib.

Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu u ciyaaro Portugal inkastoo uu seegay tababarkii Arbacadiii.

Cameroon waxay u baahan tahay inay garaacdo Brazil, waxaana laga yaabaa inaysan taasi ku filneyn inay ka gudubto heerka group-yada markii ugu horeysay tan iyo markii ay u soo baxday wareega 8da 1990.

Ciyaarta Ghana iyo Uruguay waa mid ka mid ah ciyaarihii ugu adkaa ee koobka adduunka, waxayna dib inoogu celineysaa kulankii koobka adduunka ee 2010. Luis Suárez, ayaa si ula kac ah gacanta ku joojiyay kubad ku socotay shabaqa dhamaadkii waqtigii dheeriga ahaa ee wareega 8-da si uu Ghana u diido gool gaar ah iyo boos taariikhi ah, maadaama ay noqon laheyd kooxdii ugu horeysay ee Afrikaan ah oo soo gaarta semi-finalka.

Suárez ayaa la siiyay roose, kadibna laga dhigay rigoore, laakiin Asamoah Gyan ayaa rigoorehaa ku dhiftay birta goolka, iyada oo xulka Uruguay uu ku soo baxay rigooreyaal.

VOA/AFP.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay meel ku dhaw Safaarada Israel ee magaala Nicosia iyo dad loo xiray

Cabdi Cade

Muqdisho oo loo sameenayo biyo mareeno si toos ah biyaha Roobka ugu shubaya Badda (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Rooble oo la kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---