Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugida NISA oo xabsiga dhigay gudoomiye deegaan

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo xiray Faarax Kuulow oo ahaa guddoomiyaha degaanka Ceel-macaan ahna Xubin ka tirsan Golaha degaanka ee degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.

Faarax Kuulow aya loo xiray inuu leeyahay hubkii lagu dilay labo Haween ah iyo wiil saqiir ah, dil wadareedkaas oo dhawaan ka dhacay Warshiikh sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale xogta aan helnay waxay sheegeysaa in Guddoomiyaha la xiray wiilkiisa curadka ah iyo mid kale oo uu adeer u yahay oo heesta hubka Guddoomiyaha ay dilkaas fuliyeen.

Guddoomiyaha degaanka Ceel-macaan ayaa la sheegay inuu ku guuldareystay in mudadii ay siisay NISA uu ku keeno wiilashiisa oo ku eedeysan dil wadareedkaas oo aad u xanuujiyay shacabka gobolkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 100-qof oo ku dhintay Dagaal dhax maray dad Dahab qodanayay

Cabdi Cade

Xaafad dadka kunool 50% yihiin Youtube-ley iyo Sababaha cajiibka ah ee ku kalifay!

Cabdi Cade

Dowlad Afrikaan ah oo diiday deeq lacageed oo gaareysa $1.7 Bilyan oo dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---