Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khilaafka ka dhashay canshuuraha Qaadka ee sababay in maanta wax qaad ah laga waayo Suuqyada Muqdisho, iyadoo qaadkii laga keenay Itoobiya iyo Kenya uu caawa ku baryayo garoonka Aadan cadde.
“Waxaa nasiib darro ah in maanta Ganacsatada gaadka ka ganacsata ay diideen in ay Dowladooda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kilogaramka, iyadoo Qaadka laga keeno Kenya iyo Itoobiya lagu soo dhoofiyo kiilogaram.”ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Wasaarada Maaliyada
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA