Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay Al-shabaab.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Galmudug, Xildhibaano ka tirsan BFS, qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, gudoomiyaasha degmoonyinka Cadaado iyo Baxdo ayaa u kuur-galay xaaladda guud ee deegaanka iyo difaacyada ciidanka deegaanka iyo ciidamada qalabka sida oo iskaashanaya.
Qoorqoor oo meel fagaare ah kula hadlay qaar ka mid ah ciidamada, ayaa bogaadiyay sida ay casharada lama ilaawaanka ah ugu dhigeen wax uu ugu yeeray cadowga Khawaarijta ah oo dhowr jeer isku dayay inay soo weeraran deegaanka Qaayib.
Dhinaca kale, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah al-shabaab la sii dardar-gelinayo oo degmooyinka iyo degaanada ay ka joogaan Galmudug laga xoreyn doono maalmaha soo socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com