Khilaaf la xiriira dhinaca canshuuraha ayaa ka dhex aloosan Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada xukuumada Somalia iyo ganacsatada Qaadka kaasoo sababay in maanta Qaadka suuqyada Muqdisho laga waayo.
Qaadkii maanta laga keenay dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa caawa ku baryaaya garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ka dib markii labada dhinac ay ku guuldareysteen iney xal ka gaaraan muranka taagan.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay khilaafkan ayaa yimid ka dib markii Wasaarada Maaliyada ay lacago canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay Qaadka taasoo ganacsatada ku adkaatay iney bixiyaan.
Ganacsatada Qaadka qaarkood ayaa sheegaya iney bixiyaan lacag ka dheeri ah canshuurta, taasoo ay sheegeen iney tahay Baad la siiyo xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan DF, sidaas awgeedna aysan xiligan bixin karin wax canshuuro dheeri ah.
“1-kii Kg ee Qaad ah waxaa nalaga qaadaa $4.5 baad ah oo la siiyo xildhibaano iyo wasiiro dulaaliin ah taasoo ka baxsan canshuurta ay qaado wasaarada Maaliyada, hadii la doonayo inaan bixino canshuur dheeri ah waa in dowladu naga joojisaa lacagaha sharci darada ah ee sida baada ah nalooga qaado” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha Qaadka keena Muqdisho.
Suuqyada Qaadka lagu iibiyo ayaa maanta haawanaya marka laga reebo meelo teel teel ah oo lagu iibinayo Qaadkii shalay haray ee baaraxiga loo yaqaano kaasoo la kala siisanayo qiimo aad uga sareeya kii caadiga ahaa. dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin khilaafkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com