Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsan DF oo xil sare u Magacaabay Malxiiskii kursigiisa Xildhibaanimo (Akhriso)

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Somalia Max’uud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa xil sare u Magacaabay malxiiskii kula tartamay doorashadii xubnaha Golaha shacabka BFS ee la qabtay sanadkii hore.

Wasiir Beenebeene ayaa xilka ka qaaday Saciid Maxamuud Axmed oo ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo xilkaasna u magacaabay Aadan Qaasim Maxamuud oo ay isku beel ka soo wada jeedaan, sidoo kalena ahaa malxiis u ahaa doorashadii uu ku soo baxay ee Xildhibaanada Golaha shacabka.

Arrintan oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyey, dadka qaar ayaa talaabada wasiirka dhaliiay iyagoo ku tilmaamay inuu ku kacay eex iyo nin jecleysi qabyaaladeysan, halka qaar kalena ay wasiirka ku amaaneen inuu yahay nin karmeed dadkiisa ka war haya oo ka fiican masuuliyiin kale oo aan dadkooda waxba u tarin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAGAABISTA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble & xubno ka tirsan Musharaxiinta oo saddex qodob ka wada hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dhulgariirka Marooko & tirada dhimashada oo sii kordheysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---