Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Digniin adag u diray Turkiga kana hor yimid howlgal ay qorsheenayaan

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeesatay howlgal cusub oo qorsheenayaan ciidamada Turkiga in ay ka fuliyaan gudaha dalka Siiriya, howlgalkan ayaana Turkiga ku beegsanayaan maleeshiyaadka Kurdida ee Turkiga u aqoonsan yahay argagaxisada.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga ayuu u cadeeyay in Mareykanka si weyn uga soo horjeedo howlgalada Turkiga ka wadaan Siiriya iyo kuwa cusub ay qorsheenayaan.

Lloyd Austin, ayaa sidoo kale u muujiyay dowladda Turkiga in uu ka xumaaday weerarkii qaraxa ahaa ee 13-kii November ka dhacay magaalada Istanbul, waxa uuna xusay in Mareykanka mar walbo kasoo horjeedaan falalka argagaxiso.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay duqeymo dhinaca cirka ah oo diyaaradaha Turkiga ka fuliyeen waqooyiga Siiriya ,kaa uu sheegay in halis galiyeen nolosha shaqaalo Mareykan ah.

“Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay falalka sii kordhaya ee waqooyiga Suuriya iyo Turkiga, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah oo dhawaan dhacay, kuwaas oo qaarkood si toos ah u halis galiyay badqabka shaqaalaha Maraykanka ee la shaqeeya saaxiibada maxaliga ah ee Suuriya si ay u jabiyaan ISIS,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Warkan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Turkiga ay qorsheeneyso howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Kurdida ee ku sugan gudaha Siiriya ,kaddib qaraxii ka dhacay magaalada Istanbuul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo xoojiyay Duqeymaha uu ku garaacayo magaalo dhawwaan lagala wareegay

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga oo gacanta ku dhigay nin miino ku aasayey jidka isku xira..

Caydiid Ali

Somalia oo ka qeyb galaysa Meertada 90aad ee Shirweynaha INTERPOL (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---