Allbanaadir.com
NEWS

Gaashaanle Sare Cali Cosobow Calasow oo geeriyooday iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhamaan ummuda Soomaaliyeed, geerida ku timid Allaha u Naxriisto Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Gaashaanle Sare Cali Cosobow Calasow oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xusay doorkii uu Gaashaanle Sare Cali Cosobow Calasow ku lahaa Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar xilligii Dowladii dhexe iyo bur-burkii kadib kaalintiisa dib-u-dhiska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, waxa uuna Tacsi u diray Saraakiisha, Dableyda, Alifleyda iyo guud ahaan ciidanka ilaalinta deegaanka ee Municipio.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Marxuumka Alle ugu baryay in uu naxriistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan eebe ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo hanjabaad culus hawada soo marisay & Guddoomiye Cumar filish oo..

admin

Xiisad saakay ka taagay Garawe iyo Ciidamo hubeesan oo goobo hor leh lagu arkay

Cabdi Cade

Calanka dowlada Faransiiska oo lagu gubay magaalada Ceelbuur (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---