Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay maleeshiyaad deegaanka ah iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al Shabaab weerar kusoo qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku lahaayeen tuulada  Huurweyne oo hoos tagta deegaanka Nuur Dugloe.
Labada dhinac waxaa halkaasi ku dhax maray dagaal culus oo hub nuucyo kala duwan leh la isku adeegsaday, waxaana wararku sheegayaan in labada dhinac dagaalka uu kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya hoggaamineysa ee ku sugan deegaanka Nuur Dugle ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna sheegeen in weerarkaas Al Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen.
Dhinaca kale Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay kusoo qaadeen deegaanka Nuur Dugle, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen askar katirsan ciidanka dowladda sidoo kale hub kusoo furteen.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa dhawwaan Al Shabaab kala wareegay deegaanka Nuur Dugle iyo deegaano kale oo katirsan Shabeelaha Dhaxe, waxaana muddooyinkan hakaday howlgalkii ay wadeen ciidanka huwanta ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com