Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidan & Masuuliyiin ka baxay Muqdisho oo safar dhulka ah ku gaaray Hiiraan

Gaadiid dagaal iyo Ciidan xooggan oo qeyb ka ah ciidamada lagu xoreynayo degaannada beesha Murusade oo shalay safar dhinaca dhulka ah uga baxay Muqdisho uuna hoggaaminayo Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) ayaa gaaray deegaanka Tardo ee gobalka Hiiraan ee dhawaan lagala al-shabaab

Ciidanka uu hoggaaminayo xilhibaan Jacfar waxaa dhex ka sii raacay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la gaaray Tardo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay guddoomiyaha gobalka Hiiraan, Cali Jeyte, xildhibaan Faa’iso Jeyte iyo mas’uuliyiin kale.

Kulan Taariikhi ah ayaa xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ku dhexmaray labada Guddoomiye gobol iyo xildhbaan Maxamad Abuukar Jacfar, waana markii ugu horeysay ee ciidan ka tirsan DF safar dhulka ah ku maraan degaanada u dhexeeya Muqdisho iyo Hiiraan.

Talaabadan ayaa timid ka dib dagaalo qaraar oo Ciidanka xoogga dalka iyo Dadka Deegaanka ay la galeen Al-shabaab, kuwaasoo kooxdan loogala wareegay dhul boqolaal KM gaaraya.

Labada Guddoomiye ee gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo uu wehliyo Xildhibaan Jacfar ayaa iska xog wareystay Xaalada deegaanada lagala wareegay Al-shbaab iyo sidii hore loogu sii socon lahaa.

Waxay noqonayaan mas’uuliyiintii ugu horreysay oo safar dhulka ah ku mara deegaano dhowr ah oo xiriiriya Gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan muddo sanado ah.

Dhinaca kale ciidamada DF oo kaashanaya dadka degaanka ayaa kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal oo ah degmadii ugu dambeysey ee Al-shaab ay ka joogaan gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaki weyn oo ka dhashay Qunsulka cusub ee Itoobiya u magacowday Somaliland

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Luka Modric oo ku guuleestay Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ugu Fiican

Cabdi Cade

Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku xiray Wariyaal iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---