Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaadiidka Ciidanka ATMIS oo qof shacab ah jiiray & Booliska DF oo War ka soo saaray

Wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegay inuu dhaawac halis ah soo gaaray ka dib markii ay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku jiireen gaadiid ay wateen ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Sida uu sheegay afhayeenka ciidanka Booliska DF Sadiiq Doodishe Wiilka dhalinyarda ah ayaa la sheegay in markii dambe loo soo qaaday Isbitaalka Digfeer oo haatan lagu dabiibayo.

Sadiiq Doodishe ayaa intaas ku daray in haatan ay wadaan baaritaan ku saabsan shilkaas, lana gaarsiiyey heyadihihii dowlada ee ku shaqada lahaa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY AFHAYEENKA BOOLISKA.

WIIL DHALINYARO AH OO CIIDANKA ATMIS-MILITARY KU JIIREEN DEEGAANKA CEELASHA BIYAHA.

30/Nov/2022, abaare 04:10 Galabnimo, ayeey Ciidanka ATMIS Military, ku jireen wiil dhalinyaro Isgoyska Deegaanka Ceelasha Biyaha, Saldhiga Boliiska Ceelasha ayaa gurmad u fidiyay dhibanaha oo hada lagu dabiibayo Hospital-ka TAYIP RACEP ERDOGAN, dadweynaha waxaan ku wargelinaynaa in  arrintan baaristedu socoto lana gaarsiiyay Xafiisyadii ku Shaqada lahaa oo Ciidanka Boliiska Soomalaiyeed uu arrintan gacanta ku hayo.

Mahadsanidiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Nin hubeysan oo dad badan ku laayey Suuq ku yaalla Magaalada Dallas

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Haweeney Ajnabi ah oo caawa Muqdisho lagu afduubtay iyo baaritaano adag oo socda

Cabdi Cade

Imaam Salaad Dhoolayare oo kulan muhiim ah la qaatay Waxgaradka beesha Habar-gidir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---