Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray Baxdo kana dhiganaya saldhig uu dagaalo ka hoggaaminayo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa goordhaw gaaray degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ciidan.

Qoor Qoor oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambo baxay magaalada Dhuusomareeb ayaa gaaray degmada Baxdo, waxaana la sheegay in halkaasi ka dhigan doono saldhig laga hoggaamiyo duullaannada ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug oo markii hore lagu eedeenayay in uusan raali ka aheyn dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab uuna dhabar jabin ku hayo dagaalka ayaa markan go’aansaday in duullaanka hoggaamiyo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhawwaan isaga soo baxay deegaanka Qaayib oo laba mar lagu weeraray, waxaana deegaanka oo muhiim u ahaa ciidamada huwanta ah dib ula wareegay kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaana la filayaa in uu ku dhawaaqo howlgalo cusub oo Al Shabaab looga saarayo deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobolada Galgaduud iyo Mudug .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Israel oo toogasho ku dilay darawal Falastiini ah & carro ka dhalatay

Caydiid Ali

Diyaarad shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada Baardhaare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ku qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---