Jaamacadaha Shiinaha ayaa ardayda u diray guryahooda, booliiskuna waxa ay ka dareereen magaalooyinka Beijing iyo Shanghai si ay uga hortagaan mudaaharaadyo dheeraad ah ka dib markii ay dadku ka caroodeen xannibaadaha ba’an ee dowladu ka soo saartay ka hortagga fayraska COVID-19.
Dadka mudaaharaadaya ay ugu baaqay hoggaamiyaha Xi Jinping inuu iscasilo bandhiggii ugu weynaa ee dadweynaha muddo tobanaan sano ah.
Mas’uuliyiinta ayaa fududeeyay qaar ka mid ah kontaroolada ka dib mudaaharaadyo ka dhacay ugu yaraan siddeed magaalo oo dhul-weynaha ah iyo Hong Kong laakiin waxay sheegeen inay ku adkeysan doonaan istiraatiijiyada la xiriirta ka hortaga faafida COVID19, taasoo malaayiin dad ah ku xayirtay guryahooda muddo bilo ah.
Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga dhigay tiro dad ah, waxaana la xoojiyay dabagalka.
Beijing, Shanghai iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee dhul weynaha shiinaha todobaadkii hore ay ka dhaceen mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa tan iyo markii ay ciidamadu burburiyeen 1989-kii dhaqdhaqaaqii Dimuqraadiyadda ee fagaaraha Tiananmen ee ardaydu hogaaminayeen.
Jaamacadda Tsinghua ee magaalada Beijing, halkaas oo ardaydu ay ku mudaaharaaddeen dhammaadkii asbuucii hore, iyo iskuullada kale ee ku yaal caasimadda iyo gobolka koonfurta ee Guangdong ayaa ardayda u diray guryahooda.
Hogaamiyayaasha Shiinaha ayaa ka feejigan jaamacadaha, kuwaas oo ahaa meelaha ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada ay ka mid yihiin dibadbaxyada Tiananmen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com