Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay sababta Ruushku u baajiyey kulan ay Mareykanka ku balansanayeen ?

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Ruushku uu dib u dhigay wada-hadalladii hubka nukliyeerka ee la filayey inuu la yeesho dalka Maraykanka, kuwaas oo la qorsheeyey inay ka dhacaan magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Maraykanka iyo Ruushka midna wax faahfaahina kama bixinin sababta keentay dib u dhigista.

Waxaa hore loo qorsheeyey in masuuliyiin ka kala socota Ruushka iyo Maraykanku inay ku kulmaan dalka Masar, inta u dhexeysa 29-ka bishan November illaa 6-da bisha December, si ay uga wada xaajoodaan in dib loo soo celiyo heshiiskii kormeerka iyo yaraynta hubka nukliyeerka ee ay wada galeen Maraykanka iyo Ruushku sannadkii 2011, kaasoo lagu magcaabo the New START, heshiiskan ayaa hakad galay bishii March ee sannadkii 2020, xilligii uu bilaabmay xanuunka COVID 19.

“Ruushku wuxuu ku wargeliyey Maraykanka inay si iskood ah dib ugu dhigeen kulanka loo ballansanaa, iyaga oo sheegay inay soo sheegi doonaan taariikh cusub oo ay labada dhinac wada kulmi karaan” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka.

Afhayeenka u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay inaanu bixin karin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee wuxuu intaas sii raaciyey in Washington ay diyaar u tahay in labada dhinac ay kulmaan xilliga ugu horreeya ee ugu macquulsan, si loo soo celiyo korjoogtayntii hubka nukliyeerka, taas oo xuddun u ahayd heshiiska labada dhinac ay wada gaadheen.

Related posts

Ciidamada Xoogga dalka oo qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab oo miino aasayey

Caydiid Ali

Maamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray weerarkii xaruntooda lagu soo qaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan sagootin ah la qaatay İbrahim Mete (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---