Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamo Macawuusley ah oo Dagaal isku diyaariyay oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa gaaray xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe, Saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda iyo maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee gaaray deegaanka Biyo Cadde ayaa halkaasi kula kulmay odayaasha dhaqanka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa ayna kala hadleen sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen howlgalada socda.

Waxa ay sheegeen masuuliuyiinta in loo baahan yahay in dadka degan Biyo Cadde doorkooda ka qaataan howlgalada la doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dadka deegaanka ayaana soo bandhigay dhallinyaro macawuusley ah oo diyaar u ha in ay qeyb ka noqdaan howlgalada gobolka ka socda, waxa ayna macawuusdleyda raga hoggaaminaya sheegeen in kaalintooda dagaalka ka qaadan doonaan.

Gobolka Shabeelaha Dhaxe deegaano katirsan waxaa ka socda abaabul ay wadaan maamulka Hirshabelle iyo Xildhibaano heer federaal ah, kuwaa oo doonaya in dib loo bilaabno howlgalada Al Shabaab gobolka looga saarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Orodyahanno Olombikadii Tokyo Kusoo Bandhigay Soomaalinimo Cajiib Leh!

Cabdi Cade

Xog xasaasi ah oo lagala baxay Kombiyuutarada laga Maamulo Nuclearka dalka..

Caydiid Ali

(Wareegto) Cali Guudlaawe oo xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka Daraawiishta Hirshabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---