Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Ganacsiga oo beenisay war kasoo baxay shirkadda MARU POR Digniina u dirtay

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay halkan ku caddaynaysaa inuu waxba kama jiraan yahay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in Wasaaraddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka.

Wasaaraddu, waxay sidoo kale u caddeynaysaa bulshada Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo dhammaan ba hay’adaha kale ee ay khusayso ba in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah balse dhawaan ay Wasaaraddu shaacin doonto Bid(Bidhka) oo si daah-furan tartan loo gelin doono shirkadaha soo codsada ee u qalma baarista tayada badeecadaha soo gelaya iyo kuwa ka baxaya dalka isla-mar-ahaantaana la siin doono shirkaddii ku guulaysata.

Ugu dambayn, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, waxay u digaysaa shirkadda MARU PORT, iyada oo sidoo kale na lagu la xisaabtami doono nooc kasta oo tallaabo ah oo ay qaadaan maadaama aanay u haysanin wax oggolaanshiyo ah oo ay siisay Wasaaraddu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay ka soo saaray xaalada dalka Itoobiya

Caydiid Ali

(Akhriso) Taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamada sare ee dalka

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo Hanjabaad culus hawada u mariyay Dowlada Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---