Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo dalkiisa ka mamnuucay qalabka ay soo saaraan Shirkado ay ku jirto Huawei

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay go’aan ay dalkeeda uga mamnuucday iibinta iyo soo dejinta qalabka cusub ee ay soo saaraan shirkado dhinaca isgaarsiinta oo laga leeyahay dalka Shiinaha .

Mareykanka ayaa sheegay in sababo la xariira ammaanka in dalkeeda uga mamnuuceen in lasoo galiyo laguna iibiyo qalabka casriga ah ee la xariira dhinaca isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ay soo saareen shirkadaha laga leeyahay dalka Shiinaha

Shirkadaha waa weyn ee qalabkooda la mamnuucay dalka Mareykanka waxaa ku jira shirkadaha Huawei  ee telfoonada soo saarta iyo shirkadda kale  ZTE, shirkadahan ayaana suuq weyn ku lahaa dalka Mareykanka oo la geyn jiray wax soo saarkooda.

Shirkadaha kale ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Hikvision, Dahua iyo Hytera, kuwaas oo dhammaantooda sameeya qalabka kamarooyiinka ammaanka iyo qalabka kale ee isgaarsiinta casriga.

Go’aankan kasoo baxay Mareykanka ayaa noqonaya mid saameyn ku yeesha wax soo saarka shirkadahan wax soo saarkooda Mareykanka laga manuucay , waxaana suurto gal ah in khilaaf dhinaca wax is dhaafsiga ganacsiga ka dhax bilowdo Shiinaha iyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo soo saaray amar saameynaya ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia

Caydiid Ali

Kenya oo Sadex Shuruud ku xirtay in xal laga gaaro Xiisada kala dhaxeysa Somalia !!

Cabdi Cade

Dagaalo Khasaare geystay oo ka socda degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---