Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qof ka dhacay Markab dalxiis oo 15 saacadadood ka dib laga soo helay badweynta (Sawirro)

Qof rakaab ah oo laga waayay markab dalxiis oo marayay gacanka Mexico, ayaa la badbaadiyay, kadib in ka badan 15 saacadood oo uu badda ku dhex jiray.

Sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Mareykanka Ninkan oo 28 jir ah, ayaa habeenimadii Arbacada ku sugnaa baar ku yaalla markabka Carnival Valor, isagoo ay wehlisay walaashii.

Hase ahaatee ma soo noqon, kadib markii uu baxay, si uu u gaaro musqusha.

Shaqaale samata bixin ah, ayaa soo indha indheeyay biyaha ku dhaw markabka, waxaana ugu dambeyntii ninka la arkay fiidnimadii Khamiista, meel 30km u jirta xeebta Louisiana.

Waxaa la sheegay in xaaladiisa ay haatan wanaagsan tahay, waxaana la dhigay goob caafimaad oo xaaladiisa lagula tacaalayo.

Related posts

Isgaarsiinta Mandheera oo hawada ka maqan iyo Ciidamada Jubbaland oo magaaladaasi …

Cabdi Cade

Xildhibaano badan oo shaaciyay in dhibaato badan kala kulmaan ciidamada Ammaanka

Cabdi Cade

Uhuru Kenyatta oo Shaaciyay qorshe halis ku ah Wiilkiisa oo maleegeen Booliiska Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---