Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Muqdisho oo qabtay Mooto dhac lagu geystay iyo rag hubeysan oo watay

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay iney caawa ku qabteen xaafad ka tirsam magaalada Muqdisho Mooto bajaaj lagu geysanayey dhac iyo rag hubeysan oo watay.

HOOS KA AKHRISO QORAAL AY SOO SAAREEN BOOLISKA

Caawa 26/Nov/2022, abaare 10:00 fiidnimo, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafda Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo gesytay.

Mootadaan ayaa isla caawa fiidkii horay dhac uga geysatay Xaafada DAALO ee Degmada Howl-wadaag, kadib markii ay Bulshadu naga gacansiisay ayaa gacanta lagu soo dhigay.

Ugu danbeyn waxaa shacabka ku wargelinaynaa inay socdaan howlgalo lagula dagaalamayo Burcada hubaysan iyo Khawaarijta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo Baaq kasoo saaray Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo Xamse Barre kula taliyay saddex arrin in midood sameeyo !

Cabdi Cade

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo lakala saftay Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---