Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Gaashaandhiga & Taliyaha ciidanka XDS oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga  Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland, Saraakiil iyo cutubyo ciidan ah.

“Waxaan aniga iyo taliyaha CXDS si nabad ah ku gaarney Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubaland” ayuu yiri wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

“Waxaan u mahad celinaayaa dhamaan masuuliyiinta Maamulka Jubaland, Madaxwynaha, Wasiirada, Xildhibaanada labada heer iyo taliyayaasha Ciidamada oo soo dhoweyn diiran noo sameeyey”

Wasiirka kama hadlin ujeedada socdaalka ay ku tageen magaalada Kismaayo hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya iney kulamo la qaadan doonaan hogaamiyaha Jubbaland, ayna kala hadli doonaan arrimo la xiriira sidii Jubbaland uga qeyb qaadan laheyd howlgalada ka socda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Axmed Maxamed Almuwallad (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo geeriyooday & Axmed Madoobe oo ka hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---