Allbanaadir.com
NEWS

Wiil dhalinyaro ah oo isku daldalay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Wiil dhalinyaro ah ayaa la soo sheegayaa inuu isku daldalay xalay xaafada Faanoole oo ka tirsan degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in wiilkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil uu qabay xanuunada ku dhaca dhimirka ama Maskaxda.

Qoyskiisa ayaa la sheegay iney maalmo ka hor ka soo daayeen xabsiga dhexe oo uu ku xirnaa muddo dhowr bilood ah.

Inta uusan isdilin ka hor waxaa la sheegay inuu dharbaaxay hooyadiis oo ah islaan waayeel ah oo guriga kula nooleyd ka dibna qolkiisa ayuu isku soo xiray halkaasoo markii dambe lagu arkay Meydkiisa isagoo isdaldalay.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa sanadahan dambe ku soo badanayey magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah degaanada Soomaalida, Waxaana loo sababeynayaa duruufaha adag ee dhinaca nolosha ka heysta dhalinyarada qaarkood oo keena isticmaalka maandooriyaha iyo cuduro ku dhaca Maskaxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo Xukuno Dil iyo Xabsi ah ku riday labo Eedeysane (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka soo dhoofay Asmara & Eritrea oo diiday..

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay madax katirsan Bangiga adduunka iyo IMF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---