Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay gudaha Hotel kuyaalla Hargeysa iyo ninkii ka dambeeyay oo lasoo qabtay

Ciidamada booliiska ee maamulka Somaliland ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan nin dhallinyaro ah oo ku eedeesan in xalay saqdii dhaxe dil ka geestay gudaha hotel kuyaalla magaalada Hargeysa,.

War kasoo baxay booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgal ay sameeyeen ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan Baashe Faarax Cabdi oo loo heystaa in uu dilay  Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan .

Dilkan oo loo adeegsaday toorey ayaa xalay abaaro 2:30 habeenimo ka dhacay gudaha hotelka Niil ee kuyaalla magaalada Hargeysa , waxaana ninka dilka geestay oo baxsaday si degdeg ah gacanta ugu soo dhigay ciidamada booliiska.

Taliska booliiska Somaliland ayaa cadeeyay in lasoo qaban doono lana ciqaabi doono cid kasta oo geesata dil , waxa ayna sheegeen ninkan gacan ku dhiiglaha ah ee xiran la hor geyn doono laamaha caddaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Beyle oo la kulmay Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkad lagu eedeeyey iney ku xad gudubtay dad Muslimiin ah oo la ganaaxay

Caydiid Ali

Trump oo telfoon kula hadlay Erdogan iyo Xayiraad la saaray masuuliyiin Turki ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---