Shir degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ku yeesheen siyaasiyiin, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka beesha Mudulood ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka iyo colaada soo noq noqotay ee u dhaxeeya beelo walaalo ah.
Gabogabada shirkan ayaa laga soo saaray qodobo dhoor ah ay isku waafaqeen dhinacyadii shirka ka qeyb galay, waxa ayna isla garteen qeybaha kala duwan ee Mudulood in ay qaataan baaqii Madaxweynaha ee la dagaalanka Al Shabaab.
Shirka ayaa qodobada kasoo baxay waxaa kamid ah in la dilo qofkii qof dilaa beesha dhaxdeeda iyo sidoo kale in la qaado dhammaan isbaarooyinka yaalla deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Halkan ka Akhriso go’aanadii shirka kasoo baxay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com