Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin gaaray Deegaanka Qaayib oo saakay la weeraray (Sawirro)

Deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud waxaa saakay ka dhacay weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah , kaa oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda ay wehliyaan kuwa deegaanka iyo Al Shabaab.

Dagaal saacado socday ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay deegaanka Qaayib, waxaana labada dhinac ee dagaalamay dagaalka kasoo gaaray khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sataakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya uu horkacayay taliyaha qeybta 21-aad iyo masuuliyiin kale ayaa gurmad ahaan u tagay deegaanka Qaayib, waxa ayna halkaasi garab istaag ugu muujiyeen ciidankii weerarka la kulmay.

Waxa ay sidoo kale saraakiishan xog uruurin ku sameeyeen khasaaraha ka dhashay weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen Qaayib, waxa ayna ciidamada deegaanka ku ammaaneen sida weerarka isaga difaaceen.

Weerarkan saakay lagu qaaday deegaanka Qaayib ayaa noqonaya kii labaad ee nuuciisa ah oo halkaasi lagu qaado, waxaana deegaankaan oo Al Shabaab fariisin muhiim u aheyd kala wareegay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qunyar-socod loo doortay Madaxweynaha dalka Iran

Cabdi Cade

Reer Galbeedka oo kahor yimid qorshaha Trump ka damacsan yahay Gasa

Cabdi Cade

Madaxweyne hore Farmaajo oo baaq muhiim ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---