Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo loo tababaray la dagaalanka Al-shabaab oo la soo bandhigay (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa noqonaya dufcaddii 17-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Jen Xijaar oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay gudashada waajibka qaran ee loo tababaray, waxaana uu xusay tababarka dufcaddani ay qayb ka tahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Tababarka Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo uu Dalkeennu la kaashado dalalka Jamhuuriyadda Dabuuti iyo Talyaaniga ayaa waxaa hore uga qalin jabiyey 16 dufcadood, waxaana dufcaddan 17-aad ee maanta tababarka loo soo xiray ay tiradoodu gaareysaa 80 askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo soo dhaweyntiisa Kismaayo saf dheer loo galay (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo & Shariif oo wadajir u shaaciyey in Xassan Shiikh uu ka hor yimid dedaal ay wadeen

Caydiid Ali

Immisa kiis oo COVID-19 ayaa dalka laga helay 24-kii saac ee la soo dhaafay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---