Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo u Mahadceliyay dowladda Qatar codsi cusubna u jeediyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Dowladda Qatar dhawaan usoo Magacawday dalka Soomaaliya Amb. Abdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay wehliyaan Kuxigeenkiisa Md. Naasir iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Mudane Abuubakar

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo midka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho kaga Mahadceliyay Dowladda Qatar kaalinta ay ka qaataan Caawinta Shacabka Soomaaliyeed sida: Gar-gaarka bini-aadannimo oo ay mar weliba la garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed, dhismaha Wadooyinka waaweyn ee isku xera Muqdisho – Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar iyo Dib-u-dhiska ay ku sameeyeen xarumo badan oo Dowladeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda Qatar kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Shaqo Abuurka dhalinyradda Soomaaliyeed, dib-u-dhiska Caasimadda, maadaama culeesyada ugu weyn ee Muqdisho heysta ay ugu horeeyaan biyo mareenada iyo sidii loo dar-dargelin lahaa heshiisyada mataaneen ee ka dhaxeeya Doha iyo Muqdisho.

Related posts

Xildhibaan Mahad Salaad oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Doha oo caawa geeriyooday (Xaalada Yariisow)

Caydiid Ali

Weerar Gantaal oo dad badan lagu dilay oo ka dhacay magaalada Mari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---