Allbanaadir.com
NEWS

Goob uu ku sugnaa Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo Rasaas lagu furay iyo kala carar ka dhacay

Warbaahinta iyo shacabka dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haya rasaas lagu furay goob uu ku sugnaa wasiirka arrimaha gudaha Kenya , rasaastaasi ayaana abuurtay kala carar iyo cabsi lasoo daristay masuuliiintii iyo dadkii kale ee goobtaasi ku sugnaa.

Rag loo badinayo in ay yihiin xoolo dhaqato kasoo jeeda gobolka waqooyi bari  ayaa rasaasta ku furay deegaanka Ngomeni oo ka tirsan magaalada Kitu, uu ku sugnaa wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Kithure Kindikim.

Wasiirka ayaana deegaanka lagu rasaaseeyay u tagay xal u helida xiisad ka dhalatay dad la dilay oo u dhaxeysa rag xoolaley ah iyo beeraley, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaankaasi lagu dilay labo qofood.

Rasaasta oo ka dhacday meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu shacabka kula hadlayay wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda dhexe Kenya ayaa horseedday kala carar iyo khal khal amni oo aagaasi ka dhacday.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in geelleyda hubaysan ay khatar ku yihiin amniga isla markaana ay dowladdu la xisaabtami doonto, waxa uuna ku hanjabay in dowladda Kenya tallaabo ka qaadi doonto geeleyda hubeesan.

“Haddii ay la tahay inay ka hub badan yihiin ama ka tababar wanaagsan yihiin ciidamada amniga, waxaan arki doonnaa maalmaha soo socda,” ayuu ku hanjabay wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya.

Xiisadda u dhexaysa xoolo dhaqatada ka soo hayaamay abaarta ka taagan Waqooyi Bari iyo beeraleyda deegaanka Kitui ayaa taagneyd bilihii la soo dhaafay, waxaana jiray dedaallo ay wadaan siyaasiyiinta labada dhinac oo lagu dejinayo xaaladda.

Xoolo dhaqata oo u badan geelley Soomaali ah ayaa ku doodaya inay xaq u leeyihiin in xoolahooda ay u daaq geystaan goob kasta oo kamid ah Kenya, hase yeeshee beeraleyda Kitui oo soohdin la leh gobolka Tana River ayaa ku doodaya in xoolaha ay ka daaqaan dalagooda, taasina ay khasaare ku tahay iyaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo qof oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

War cusub oo laga soo saaray nin toogasho ka geystay Isbitaal ku yaalla Mareykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Kulan muhiim ah la qaatay Bulshada ku dhaqan Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---