Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Ku-xigeenka Somalia oo u ambabaxay caasimadda dalka Niger ee Niamey

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama  ayaa u ambabaxay caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Wafdiga Salah Jama ayaa kaga qeyb gali doono halkaas shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Warshadaha iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka furmaya magaalada Niamey.

Shirka oo ay ka qayb galayaan madax kala duwan oo ka socda qaaradda Afrika iyo adduunka ayaa lagaga hadlayaa sidii dalalka Afrika isaga kaashan lahaayeen horumarka dhaqaalaha iyo warshadaha kuwaasi oo ka qayb qaadan doona kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalalka Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama   ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirkaas, taasoo uu kaga hadlayo xaalada dhaqaalaha ee Somalia iyo horumarka ay DF ka sameysay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ku soo kordhay kursigii Xildhibaanimo ee uu rabay Fahad Yaasiin waana sidee Rajadiisa ?!!

admin

Faah faahino kasoo baxaya dadkii ka dambeeyay dilka Gaashaanle Feyte Cagacadde

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---