Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka oo gaartay go’aan niyad jab ku abuuray Trump

Madaxweynihi hore ee dalka Mareykanka Donald Trump oo mar kale u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa aad uga naxay go’aan kasoo baxay maxkamadda sare ee dalka Mareykanka oo ku aadan in la wareejiyo dukumiintiyo uu lahaa.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa  shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Mareykanka.

Dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah waxaa baadi goob xooggan ugu jiray guddi hoosaad katirsan Aqalka Wakiiladda, kuwaa oo hadda maxkamadda sare u amartay in gacanta loo galiyo dukumiintitadaasi.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka haddana ah musharax Donald Trump ayaa horey  Maxkamadda Sare Mareykanka uga codsaday in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump.

Go’aankan kasoo baxay maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa niyad jab iyo guul darro ku noqoneysa Donald Trump, mana jirto ilaa hadda wax war ah uu kasoo saaray go’aankan kasoo baxay maxkamadda sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon la dilay xilli uu salaad kasoo baxay iyo ninkii dilay oo…

Cabdi Cade

 Shirkii labaad uu bil gudaheed ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo baaqday 

Cabdi Cade

Ciidanka dowlada oo is hortaag ku sameeyay Odayaal doonayay in ay tagaan Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---