Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Nin kumanaan Km lugeeyey si uu Doha ugu soo daawado Koobka Aduunka

Abdallah Al-Salami oo u dhashay Sacuudiga ayaa ka dhabeeyay riyadiisa ahayd inuu daawado ciyaaraha Koobka Adduunka kaddib markii uu ku lugeeyay masaafada u dhaxeysa magaaladiisa Jeddah ilaa iyo magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar.

Al-Salami ayaa sheegay inuu wajahay dhibaatooyin badan oo ka qabsaday safarkiia, balse uu dhibaatooyinkaas ku ilaabay ciyaaraha uu daawanayo maadaama uu ka dhabeeyey hadafkiisa.

Carabta ayaa xiiso gaar ah u yeelay Koobka Adduunka kaddib markii Sacuudi Carabiya ay 2-1 ugu badisay dalka Argentina.

Taageerayaal badan oo Carbeed ayaa ka faa’ideysanaya jawiga Qadar ee lagu qabanayo koobka adduunka ee sanadkan iyagoo qaarkood ku yimid gaadiid iyo mootooyin.

Related posts

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

TPLF oo ciidankeeda kala baxday furumaha Dagaalka shuruudna ku xirtay in ay hubka dhigaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Musaveni oo dhaleeceeyay Gabadha ugu quruxda badan Qaarada Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---