Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Maaliyada Somalia oo ka jawaabtay warbixintii hanti dhowraha Qaranka

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto warbixinta uu maanta soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yirri “Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan xisaab-xirka  2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay”

“Iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka so baxay wasaaradda maaliyadda.

Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa daabacay warbixin sannadeedka 2021 ee xaaladda maaliyadeed ee dawladda Soomaaliya.

Warbixintan hanti-dhowraha ayey ka muuqdaan khaladaad dhinaca maaraynta kharashaadka dawladda, qandaraasyada, iyo maamulka lacagaha soo galaya iyo kuwa ka baxaya, iyo weliba kabka miisaaniyadda.

Hanti-dhowraha ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay sanadkii 2021 lacag dhan $96,365,574 iyo dul-saarka daymeed oo dhan $14,605,118 ka daynsatay Bankiga Dhexe ee Somaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoo amaahdas ay u baahnayd inuu baarlamaanku ansixiyo, hanti-dhowrku aanu arkin isla markaana aan la siinin wax caddaymo ah oo muujinaya in amaahdaas uu baarlamaanku oggolaaday, ama heshiisyada amaahda ee la galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe oo lagu tilmaamay Al Shabaab oo kale

Cabdi Cade

Xiisad siyaasadeed oo caawa ka taagan Madaxtooyada

Cabdi Cade

Farmaajo oo Madaxda dowlad goboleedyada ugu yeeray shir ka furmaya Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---