Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ka sameeyey howlgal balaaran
Howlgalka ayaa saameeyey Suuqa degmada oo ciidanka ay goobaha ganacsifa u baarayeen mid.
Sidoo kale ciidamada ayaa baarayey gawaarida isticmaala wadooyinka magaalada Xudur iyo dadweyhaha socotada ah.
“Howlgka ayaa Ciidanka waxay ku soo qabqabteen tiro dhalinyaro ah kuwaasoo ay baaritaano lagu kala saarayo ku socdaan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxaya taliska NISA.
Magaalada Xudur oo xarun u ah gobolka Bakool ayaa waxaa sanado badan saaran xanibaad ay ku soo rogeen kooxda Al-shabaab oo diiday iney magaaladaas tagaan gaadiidka sida xamuulka ganacsiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com