Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo ah la dilay iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay

Madaxweynaha Dowlada Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed oo maanta gacan ka xaqdaran ay ku dishay deegaanka Cadow-uul ee hoostimaada degmada cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Allaha u naxariistee marxuumka uu kaalin mug leh kasoo qaatay dowlad dhiskii Hirshabeelle wax badana kasoo shaqeeyay Nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar ayaa geeriyooday xilli uu ku howlanaa kala qaadista maleeshiyaad iyo nabadeynta beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada isagoo geeriyooday xilli uu ka shaqeynayay nabadeynta beelo walaalo ah.”

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada maamulka Somaliland oo War cusub soo saaray

Cabdi Cade

Firdhiye oo dhagax dhigay Mashruuc ay DF maalgelineyso

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---