Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusii jeeda Degmo katirsan Shabeelaha Dhaxe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno la socda ayaa lagu wadaa in ay gaaraan degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, si uu madaxweynaha ugu kuurgalo howlgalada ka socda deegaano katirsan gobolkaasi.

Wafdi horu dhac u ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa in ay sii gaareen degmada Cadalle, waxaa sidoo kale halkaasi gaaray masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cadalle kula kulmi doona saraakiisha ciidamada iyo kuwa deegaanka ee hoggaaminaya howlgalada ka socda Shabeelaha Dhaxe, kuwaa uu ka dhageysan doono warbixin la xariirta halka ay marayaan howlgalada socda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ayaa dhawwaan Al Shabaab kala wareegay deegaano dhoor ah oo horey u heesteen, waxaana socda howlgalka ay ciidamada ku doonayaan in guud ahaan gobolka uga saaraan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida diiran ee Kim Jong-un loogu soo dhoweeyey dalka Ruushka

Caydiid Ali

Mid kamid ah shaqaalada xawaaladda TAAJ oo lagu dilay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Maxkamadda gobolka Banaadir oo baafineysa Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi, Cabdul iyo Jurus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---