Allbanaadir.com
NEWS

Nin katirsanaa Al Shabaab oo weerar khasaaro badan dhaliyay ka fuliyay Xero ciidanka Kenya leeyihiin

Dagaalyahan katirsan Al Shabaab ayaa weerar dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka geestay xero ciidanka milatariga Kenya ku leeyihiin deegaan katirsan gobolka Jubada Hoose.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkan uu geestay dagaalyahanka katirsan Al Shabaab uu ka dhacay xero kutaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan , waxaana ninkan uu galay xerada ay lahaayeen ciidanka Kenya.

Inta la xaqiijiyay ninkan katirsanaa Al Shabaab ayaa xerada Kenya ciidankeeda joogeen ku dhax dilay saddex askari oo halka uu dhaawacay shan kale, ciidamada Kenya ayaana markii dambe toogtay ninka weerarka geestay.

Sargaal katirsan milatariga Kenya ayaa sheegay in ciidanka Kenya lagu arkay feejignaan la’aan, waxa uuna xusay in ninka weerarka geestay u muuqday mid marar badan u kuur galay xaalada ciidamada ku sugnaa xeradaasi.

Ciidamada Kenya ayaa lagu amray in ay sameeyaan feejignaan dheeraad ah , waxaana ciidamada lagu wargaliyay in ay jiri karaan weeraro hubeesan ay geestaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Rajapaksa iyo Ra’isul Wasaarihiisa oo Cadaadis kadib aqbalay in ay is casilaan

Cabdi Cade

Mareykan oo mid kamid ah weeraradii ugu cuslaa maanta ka fuliyay dal Carbeed

Cabdi Cade

Guddiga Anshaxa & Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Somaliland oo Shuruudo soo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---