Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi u tartamay Kursi Xildhibaan oo lagu dilay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xaafad katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin siyaasi ah oo horey ugu tartamay kursi kamid ah kuraasta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka.

Siyaasiga la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sebriye ( Guuleyste ) ayaa u tartamay kursiga tirsigiisu yahay Hop#33 ee lagu doortay magaalada Jowhar, waxaana kursigan kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale.

Sida aan wararka ku helnay Siyaasi Guuleeste ayaa la toogtay xilli uu xalay kasoo baxay salaada cishaha, waxaana dhallinyaro biskoolado ku hubeesnaa marxuumka la dhaceen dhoor xabadood oo sababtay in uu u geeriyoodo.

Ciidamada booliiska degmada Wadajir ayaa gaaray goobta lagu dilay siyaasiga, mana jiraan ilaa hadda cid la sheegay in falkaasi dilka ah ciidamada usoo qabteen, waxaana goobta degdeg uga baxsaday kooxdii dilka fulisay.

Al Shabaab ayaa horey u dishay qaar kamid ah odayaashii iyo ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka , waxa ay sidoo kale Al Shabaab dileen siyaasiyiin damac ka galay kuraasta golaha shacabka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celineysa dhalinyaro ku xirxiran dal ku yaalla qaarada Afrika

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo arrimo xasaasi ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qashinka tuban Qubuuraha Barakaad ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---