Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciyaartoyda Qaranka Iran oo diiday in ay qaadaan Heesta Calankooda iyo Sababta oo la ogaaday

Dalka Qatar ay ka socdaan ciyaaraha koobka adduunka ayaa galabta waxaa wada ciyaaray xulalka Qaranka Iran iyo Britain, waxaana kulankan xusuuq loogu geestay Ciyaartoyda Iran oo looga adkaaday 6-gool iyo 2 gool.

Ciyaarta inta aysan bilaaban ayna garoonka soo galeen ciyaartoyda ayaa markii la daaray astaanta heesta calanka Iran waxaa ka aamusay ciyaartoyda Iran, halka taageerayaasha xulkaasi iyana bilaabeen ku qeyliyaan kuna oriyaan heesta calankooda.

Taageeyaasha ayaa sidoo kale gudaha garoonka kusoo bandhigayay boorar ay ku qoran yihiin farriimo ay ku dhaliilayaan dalkooda, waxa ayna halkaasi ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin hab dhaqanka dowladda Iran ee dhanka haweenka.

Ciyaartoyda Iran qaarkood iyo taageerayaasha ayaana ka carreesan dilkii booliiska Iran u geesteen Mahsa Amini iyo haween badan oo dalkaasi u dhashay, waxa ayna muujinayeen in ay ka xun yihiin habdhaqanka dowladooda.

Xaalada siyaasadeed ee ka taagan dalka Iran ayaa xitaa sababtay isku dhac ciyaartoyda dhaxdooda ah, waxaana ciyaartoyda laga saaray weeraryahan Serdar Azmoun oo dowladda ku eedeeyay in uu taageeray kacdoonka ka dhanka ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo war kasoo saaray Duqeyn ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxdii hore ee dalka iyo Masuuliyiin kale oo waqti ku qaatay Xeebta Cadale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---