Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa dib usoo labo kacleeyay ciyaalka weerada ee dilka ,dhaca iyo dhibaatooyin kalaba ku haya shacabka ku dhaqan xaafadaha Muqdisho qaarkood.
Koox ciyaal weero ah ayaa xalay xaafada Nuur Tugumbe ee degmada Yaqshiid ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Shaafici Macalin Nuur , wiilkan ayaana wadnaha ciyaal weero uga dhufteen toorey uu u geeriyooday.
Ehelada wiilkan la dilay ayaa sheegay in uusan cidna wax dhibaato ah u geesan wiilkooda, waxa ayna tilmaameen in ciyaal weero soo weerareen ayna ku dhufteen toorey sidaasna ugu geeriyooday.
Xaafado katirsan degmooyinka Yaqshiid iyo Kaaraan ayaa la sheegay in dib isku soo abaabuleen ciyaalka weerarada, waxa ayna ciyaalkan oo wata tooreeyo, baangado iyo biro, waxa ayna dhibaatooyin isugu jira dil , dhac iyo jir dil u geestaan dadka shacabka ah.
Laamaha ammaanka gobolka banaadir ayaa bilooyin kahor qaaday tallaabooyin looga hortagayay qatarta ciyaalka weerada, waxaana degmooyinka qaar hadda dib ugu soo laabtay ciyaalka weerada ee dadka dhibaatada ku haya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com