Allbanaadir.com
NEWS

Madax ka qeybgashay Salaada Janaasada Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare kaga qayb galay Saalada Jinaasada ee AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu Janatul Fardowsa ku Arsaaqo, isaga oo uga tacsiyeeyey guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Isimada dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Garaadku.

AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxmed oo ka mid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Soomaaliyeed wuxuu door muhiim ah kasoo qaatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo sidii bulshada Soomaaliyeed Nabad waarta u heli lahayd, si gaar ah Marxuumku wuxuu Sanadihii u dambeeyey Udub dhexaad u ahaa Nabada iyo horumarka ka socda deegaanada Puntland oo uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii dowladda Puntland.

Garaadka oo kamid ahaa salaadiinta kasoo jeeda gobolka Sool ayaa maanta lagu Aasayaa Deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Sool, halkaas oo la sheegay intii  uu ku dar-daarmay in lagu Aaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil dalka Dibadiisa lagu soo barayo hubinta Dukumintiyada been abuurka ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Masaajidda kuyaala UK qaarkood oo bilaabay olole ay dad badan soo dhaweeyeen

Cabdi Cade

Dhalinyaro careesan oo Weeraray Dhismihii lagu kufsaday laguna dilay Xamdi Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---